Farmaajo iyo Rooble oo madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda UK

33

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge, waxuuna la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, sida dib u dhiska ciidamada, la dagaallanka Al-Shabaab, musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada dhexmaray labada dhinac, “iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.”

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, sida lagu sheegay qoraalkan.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Ben Fender Obe.