Maamulka gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay deeq ka timid dawladda Talyaaniga

13

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay qalab cusub oo ka mid ah, qalabka loo adeegsado gargaarka deg degga ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana maanta waxaa loogu wareejiyay qalabkaan si rasmi ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa goob joog ka ahaa goobta qalab wareejinta,waxaana dawladda Soomaaliya ugu deeqday dawladda Talyaaniga.

Waxaa uu ka koobnaa qalabkan, kuwa gaar ah ee loogu talo galay bixinta gar gaarka deg degga ah gaar ahaan qaybta Dab demiska.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxa uu dawladda Talyaaniga uga mahadceliyay qalabkan ay ugu deeqday Soomaaliya.