Shir u dhexeeya DFS, D/goboleedyada iyo beesha caalamka oo ka furmaya Muqdisho

24

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka iskaashiga caalamka iyo Soomaaliya.

Shirkan ayaa  waxa ka qayb-geli doona Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlad Goboledyada dalka iyo wakiilo ka socda dalalka iyo ururada ku midaysan Beesha Caalamka oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo Doorashooyinka.

Ajandaha Shirka maanta , ayaa ku saabsan Arrimaha Amniga, Deynt-cafinta iyo Qabsoomidda Doorashada 2020/2021, waxaana si gaar ah looga doodi doona Arrimaha Doorashada, xilli uu muran xooggan ka taaganyahay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kaas oo ay diiddan yihiin Midowga Murashixiinta ku sugan Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Erygay QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Muddo  kadib shirkan ayaa  waxaa muuqata in khilaaf baahsan uu u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo qaar kaid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana aan la ogeyn ka qeybgalka qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo ay kamid tahay Jubaland.

Shirkan oo maanta ay tahay maalintiis koowaad ayaa ilaa iyo hadda la xqiijiyay inay ka qeybgalayaan ra’iisul wasaare ku xigeenka, wasiiro ka socda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada,

Doorashada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka taagan khilaaf xoogan , kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo musharixiinta mucaraadka ah.

Xubnaha diidan doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu soo horjeedaan guddiyada Doorashooyinka oo ay magacowday Dowladda Federaalka Somaaliya