Laftagareen oo sheegay in Arrinta Cabdi Xaashi aan caqabad laga dhigin

14

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis  Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in arrinta Cabdi Xaashi aan caqabad laga dhigin, isla markaana loo baahan yahay in horay loo socdo, heshiiskana loo fuliyo sidii uu u qornaa, iyadoo waxyaabaha cabashada ka jirana la xalinayo.

Laftaagreen oo khudbad ka jeediyay Shirka Madahsha Iskaashiga Soomaaliya & Caalmaka ee ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in Arrimaha guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi uusan heshiiska ku jirin in Cabdi Xaashi looga dambeeyo,isla markaana uu aaminsan yahay in guddiga doorashada la waafajiyay heshiiskii doorashooyinka.

“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeynayaa guddiga somaliland, wey cadahay heshiiska ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaabayo waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo somaliland ka soo jeeda, cabdi xaashi oday soomaaliyeed waaye ayuu yiri” laftagareen”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay aheyd in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu goobjoog ka ahaado heshiiskii doorashada si loogu daro, basle taasi aysan dhicin, waqtiga lagu lumin xilligaan caqaabd laga dhigo Arrinta Cabdi Xaashi.