Rooble oo shaaciyey in madaxda DF iyo DG ay isugu imaan doonaan shir kale oo wadatashi ah

19

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta daah furay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka warbixiyey qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan doorashada soo socota ee dalka, taas oo muran badan uu hareeyey.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, si looga baaqsado buu yiri inuu yimaado dib u dhac, iyadoo ay xusid mudantahay in jadwalkii ku xusnaa heshiiska doorashada uusan illaa hada sidii loo qorsheeyey u dhaqan gelin.

Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay inuu bilaabi wada-tashiyo guud oo ku aadan doorashada, isla markaana uu safri doono magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, si xal waara loogu helo tabashada ka taagan hir gelinta heshiiska doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhawaajiyey in mar kale ay shir isugu imaan doonaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, si meesha looga saaro madmadowga hareeyey heshiiska ay ka gaareen doorashada dalka.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga musharaxiinta ayaa  haatan aad u saluugsan hanaanka ay xukumadda federaalku u mareyneyso arrimaha doorashada dalka.