RW Rooble oo Jawaab deg deg ah ka bixiyay hadal uu sheegay Axmed Madoobe

23

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta Aalada Zoomka ee Internet-ka uga qeyb-galay shirka Iskaashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa sheegay in Ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo ay yihiin Jabhad, hayeeshee waxaa hadalkaas deg deg, iayda oo uu shirka socdo uga jawaabay Ra’iisul Wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid Musharax doorka aad leedahay in aad qaadato ayaa lagaa rabaa. Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saara waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya ayuu yiri Axmed Madoobe”

Ra’iisul Wasaare rooble oo u jawaabay Axmed Madoobe ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo aysan aheyn Jabhad basle ay yihiin Ciidamo Soomaali ah, wuxuuna Axmed Madoobe uu ugu baaqay in uu raalligelin bixiyo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo 10 Bilood ka hor ayaa waxaa ay gacanta ku hayaan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana ay dagaal la galeen Ciidamada Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Ciidamo Kenyan ah oo ku sugan Xadka Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.