Qoor Qoor” Galmudug door muuqdo ayay ka qaadaneysaa habsami u socodka doorashooyinka”

15

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Iskashiga ee Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in heshiiskii doorashada uu burburo, isla markaana ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo habsami u socodka iyo hufnaanta doorashooyinka.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in wixii tabashooyin ah ee jira ay wanaagsan tahay in la iska qanciyo, lana muujiyo tanaasul, isqancin la xiriirta arrimaha doorashooyinka oo haatan uu muran ka taagan yahay, Galmudugna ay kaalinteeda qaadan doonto.

“Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay ayuu yiri” Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan saamileyda Siyaasadeed ee dalka inay ka fogaadaan waxkasta oo dhibaato dalkan u horseedi karta, si dalka uu horay ugu socdana la wada heshiiyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  oo shalay dib ugu laabtay dhuusamareeb ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho waxaa uu waday qorshooyin uu ku dhex-dhaxaadinayo Madaxda Dowladda & Midowga Musharixiinta oo qaadacay guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday.