Guddiga xalinta khilaafaadka oo doortay hoggaan cusub

7

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, xilli xubnahaan aysan metelaad ku laheyn maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga lagu muransanyahay ee xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya, waxaana tanaasulay musharaxii kula tartami lahaa xilkaas oo ah Cali Seeko.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka guddiga lagu muransanyahay ee xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka dadban.

Waxaa tanaasulay Cabdiraxmaan Shoode oo markii hore isu-soo sharaxay inuu xilkaas kula tartamo. Sidoo kale Farxiya Xasan Cismaan ayaa loo doortay xoghayaha guddigaas, mana jirin qof kula tartantay.

Doorashada guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo laba maalin ka hor ay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen iska dhex doorteen xubnaha guddiga lagu muransanyahay ee doorashada dadban, oo iyaguna aan metelaad ku laheyn Jubbaland iyo Puntland