Deni oo si doorashada looga heshiiyo DF ka dalbaday inay ciidanka ka soo saarto Gedo

21

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka saaxiibbada Soomaaliya uga qeyb-galay aaladda Internetka  ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay ku darsatay guddiga doorashooyinka xubno iyada u daacad ah oo aan la aamini karin, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland aysan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada lagu muransanyahay.

Hadalka Deni waxa uu xoojinayaa kii ka soo yeeray midowga musharaxiinta mucaaradka oo kol hore sheegay in guddiyada magacaaban ay ku jiraan xubno laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha xafiisyada ugu sareeya dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo qabya tirka ku socda dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka, inta lagu guda jiro xaaladan kala guurka ah.

Saciid Deni ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday arrinta gobolka Gedo oo gacanta Jubbaland ay mar hore dowladda dhexe si awood ah uga saartay, waxuuna dowladda federaalka ku eedeeyey inay caburin milateri ku heyso Jubbaland.

Madaxda dowladda federaalka ayuu ugu baaqay inay gobolka Gedo ka soo saarto ciidamada jooga, isla markaana ay ku wareejiso gacanta Jubbaland, si buu yiri xal looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada.

Dhanka kalena, madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in guddiga doorashada barlamaanka gobolka Waqooyi uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada tashadaan dhammaan xubnaha saamileyda siyaasadeed ee ka soo jeeda Somaliland.

Ugu dambayntiina madaxweynaha ayaa dalbaday in guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwa madax banaan laguna kalsoonaan karo go’aamintooda, si buu yiri dalka ay uga dhacdo doorasho hufan.