Axmed Madoobe “DF ha cadeyso hadii ay la wareegtay gobolka Gedo”

19

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta qadka internetka uga qeyb galay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda gobolka Gedo oo kol hore gacanta maamulkiisa laga saaray.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday in dowladda federaalka ay si deg-deg ah ugu wareejiso maamulka gobolka Gedo, oo ay xilligan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka, waxuuna beesha caalamka ka hor sheegay in dowladda federaalka ay ciidamo maleeshiyaad ah geysay gobolka Gedo.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland waxuu dowladda federaalka ku eedeeyey inay uga baxday heshiis ay ka gaareen arrinta gobolka Gedo oo ahaa inay ka saarto ciidamada ka jooga, isla markaana ay ku soo celiso gacanta Jubbaland fulinta heshiiska doorashada ka hor.

Madaxweynaha ayaa dalbaday in madaxda dowladda ay qoraal rasmi ah ku cadeeyan goobaha ay Jubbaland doorashada ku qabaneyso ama ay cadeystaan inay la wareegen gobolka Gedo, oo markii hore si xoog ah ku haysteen, sida uu hadalka u dhigay

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubaland hal meel miyay ku qabaneysaa? Mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay doorasho ku qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saara oo ku cadeeya inaad la wareegteen gobolka Gedo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri  “Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid musharax doorka aad leedahay in aad qaadato ayaa lagaa rabaa.”