Dad shacab ah oo lagu dilay Shabeellada Hoose

15

Wararka imaanaya degaanka Yaaqbariweyne  ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay dad shacab ah ku dileen deegaankaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay hal goob ku dileen dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa Tuulada Yaaqroobley oo u dhow deegaanka Yaaqbariweyne oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa lagu dilay weerarka, halka tiro intaasi ka badaba ay ku dhaawacmeen.

Dilka loo geystay dadka shacabka ah ayaa salka ku haayo aanooyin qabiil oo horay uga jiray degaankaas, isla markaana maleeshiyaadkii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen