DFS oo weerar afka ah ku qaaday midowga musharixiinta

4

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay xubnqha musharixiinta ee ka soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya

Mr Dubbe ayaa Musharaxiinta Mucaaradka uga digay inay dalka ka sameeyaan fowdo, iyo khalalaasi siyaasadeed, waxaa uuna sheegay in aysan jirin qof Soomaaliyeed oo xiligaan doonaya inay fowdo ay ka dhacdo dalka, isagoona weerar afka ah ku qaaday madaxweyneyaashii hore ee soomaaliya

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee mudooynkii ugu dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho, waxooda uu yahay xarako iyo Ciyaar Ciyaar, waxaa uuna ugu digay inay dalka geliyaan fowdo iyo xasilooni siyaasadeed.

Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan ka taagan doorashada soomaaliya