Somaliland oo war ka soo saartay go’aanka Mareykanku ciidamadiisa uga saarayo Soomaaliya

10

War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa looga hadlay go’aankii ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo amray in horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka Soomaaliya laga saaro ciidamada ka jooga dowladda Mareykanka.

Qoraalka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu taageeray qorshaha dowladda Mareykanka ay ugala baxayso ciidankeeda ku sugan Soomaaliya.

Ciidamaada laga saarayo Soomaaliya ayaa dib loogu celinayaa saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin  dalalka Jabuuti iyo Kenya, waxaana la sheegay inay soo gelayaan Soomaaliya markii loo baahdo.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in Somaliland ay gaartay isku filnaasho dhanka amniga iyo dimuquraadiyadda ah.