Qatar amni oo laga digay hadii Mareykanku ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya

2

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in ciidamadiisa oo idil laga soo saaro Soomaaliya marka lagaaro 15-ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda, taas oo ku beegan shan maalmood ka hor inta uusan xafiiska ka tagin, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in tira ahaan ay gaarayaan 700 oo askari, kuwaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab iyo tababarrada.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in ciidamada laga saarayo Soomaaliya lageyn doono dalalka dariska ah, si ay awood ugu yeeshaan in ay xuduuda kasoo talaabi karaan markii loo baahdo.

Bishii lasoo dhaafay madaxwayne Trump ayaa amar midkan lamid ah ku bixiyay in ladhimo ciidamada ka jooga dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Illaa 5,000 oo askari oo Maraykanka ka jooga dalka Afghanistan ayaa laga dhimi doonaa illaa iyo 2,500 oo askari oo ah kala bar ciidamada halkaasi kaga sugan. Halka Ciraaqna 3,000 oo askari oo joogta laga dhimi doono illaa iyo 2,500 oo askari.

Trump ayaa mudaba ku andacoonayay in ciidamada Maraykanka ay tahay in ay dib ugusoo laabtaan wadankooda, kuwaas uu sheegay in uu ku baxayo qarash badan waxtarkoodana uu aad u hooseeyo.

Go’aanka ciidamada Maraykanka looga saarayo Soomaaliya ayaa imaanaya xilli bishii aan kasoo gudubnay shaqada laga ceyriyay xoghayihii difaaca Maraykanka Mark Esper, kaas oo diidanaa in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya.

Qaar kamid qubarada amniga ayaa walaac xoogan ka muujiyay go’aanka uu Maraykanka ciidamadiisa kaga saarayo Soomaaliya, iyagoona tilmaamay in ay saameyn doonto dalalka ku yaalla guud ahaan Geeska Afrika marka loo eego saameynta Al-Shabaab oo loo aqoonsaday kooxda ugu awooda badan qaaradda Afrika.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabo walba oo lagu saarayo ciidamada Maraykanka ay tahay mid dib u dhac ku keeni karta la dagaalnka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa horay uga codsaday dowladda Maraykanka in ciidamadeeda aysan ka saarin Soomaaliya, isagoo qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ciidamada dowladda ay gacan wayn ka siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Hasa yeeshee codsigaas ayaa umuuqda mid uusan meeshiisa kasoo qaadin madaxwayne Donald Trump oo bixiyay amarkii ugu dambeeyay oo ciidamadiisa looga saarayo Soomaaliya ka hor inta uusan xafiiska wareejin horaanta sanadka soo socda.