QM oo ka digtay Ayax hor leh oo ku soo wajahan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

11

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa ka digeysa Ayax hor leh oo ku wajahan bartamaha Soomaaliya oo horay Ayax ku habsaday uu saameyn lixaad leh ugu yeeshay.

“Dhasha Ayaxa ee koronkorada loo yaqaano ayaa laga bilaabo todobaadkan  is uruursan doonta, waxayna aad uu sii kordheysa inta bishaan December ka dhiman ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2021-ka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FAO.

Laga bilaabo bartamaha bishan December Ayax dhalaan ah oo xoog badan oo ka yimaan doona dhanka koonfur bari Itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ku dago gobollada koonfurta Soomaaliya, sida ay shaacisay FAO.

Qeybo ka mid ah gobollada waqooyi bari Soomaaliya waxaa iminka ku sugan Ayax waaweyn oo bilaabay in uu ugxaan dhigo, taas oo saameyn kale yeelan karta.

Deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee Soomaaliya uu saameynta ugu badan ku reebay Ayaxu.