Shirkii golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta baaqday iyo warar laga helayo

1

Waxaa dib u dhacay shir caadi aheyn oo maanta golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku balansanaayeen, kaas oo aan weli ajendihiisa la shaacin, wararkuna ay sheegayaan in go’aan weyn lagu gaari rabay.

Golaha Wasiirrada ayaa xalay lagu war-galiyay qabsoomida shirka, balse mar kale ayaa maanta xubanaha golaha loo diray fariin ah in uu shirku baaqday, sida warbaahinta u sheegeen ilo ku dhaw xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Inkastoo uu shirkaasi maanta baaqday hadana arrimaha ugu waaweyn ee qorshuhu ahaa in diirrada lagu saaro ayaa la sheegay inay ka mid tahay arrinta dowlad goboleedka Jubbaland iyo khilaafka ka taaggan doorashada oo hanaanka loo maamulayo ay si weyn uga soo horjeesteen musharixiinta mucaaradka ah iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay waddo qorshe ka dhan ah Jubbaland oo ay dooneyso in ay u aqoonsato deegaan cadow heysto oo aan doorasho lagu qabin karin, ilaa inta laga xoreynayo.

Wararkaan waxay soo baxayaan xilli ay dhawaan dowladda Soomaaliya ceyrisay safiirkii Kenya u joogi jiray Muqdisho, isla markaana ay u yeeratay keedii joogay Nairobi, waxyaabihii ay Kenya ku eedeysana waxaa ka mid ahaa in madaxweynaha Jubaland ay u adeegsaneyso fashilinta heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada Soomaaliya.