Midowga mushariinta oo war ka soo saaray xaaladihii u dambeeyey ee dalka

15

Midowga musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha  Soomaaliya ayaa war kasoo saaray xaalada amni ee dalka, go’aanka Mareykanku ciidamadiisa uga saarayo Soomaaliya, khilaafka ka abuurmay dhulka dowlad goboleedyada qaar iyo  tallaabooyin ay xukuumaddu ku bixineyso ruqsad Shidaalka baaris ah.

Warka ka soo baxay golaha musharixiinta ayaa waxaa walaac looga muujiyay isku dayga wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku dooneyso inay ku bixiso ruqsadaha Shidaalka baarista ah, iyagoo sheegay in dowladda federaalku ay raadineyso kharash ay doorashada ku boobto.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Ridwaan Xirsi ayaa warka ka soo baxay musharaxiinta warbaahinta u akhriyey, waxuuna sheegay inay magacaabeen guddi loogu magac daray badbaadinta doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeytii war-saxaafadeedka musharaxiinta ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay ka waantowdo qaadashada go’anno dalkan u hor-seedi kara cawaaqib xumo aan la mahdin.