QM oo mudo kordhin u sameysay ciidamada shisheeye ee ilaaliya badda Soomaaliya

20

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay qaraar ciidamada caalamiga ah ee ku sugan badda Soomaaliya ay ku sii joogayaan sanad kale oo dheeraad ah, isla markaana ay qaadi karaan tilaabo kasta oo ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha.

Qaraarkaas oo tirsigiisu yahay 2554 2020 ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada caalamiga ah ee badda Soomaaliya u jooga la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida inay howgalkooda sii wataan muddo sanad ah, waxaana loo fasaxay inay waji kasta kula dagaalami karaan burcad badeeda Soomaalida oo laga cabsi qabo inay mar kale soo laba kacleeyaan.

Qoraalkaan kasoo baxay golaha ammniga ee Qaramaad Midoobey ayaa lagu sheegay in goluhu soo dhawaynayo in xeebaha Soomaaliya ay ka dhicin wax weerar ah, hase ahaatee ay jirto cabsi laga digayo.

“Kadib markii ay codsiyo nooga yimaadeen deeq bixiyaasha caalamka ayna jirto halis amni, waxaan go’aansanay inaan muddo sanad ah ku darno hawlgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay golaha ammaanka ee QM.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu weydiistay inay deg deg cadaaladda u horkeento una soo qab qabato shaqsiyaad lagu tilmaamay inay berriga ka abaabulayaan weerarro burcad badeednimo ah.

Xubnahaan magacyadooda iyo halka ay joogaanba midna laguma xusin warbixinta.

Warbixintaan waxaa sidoo kale soo hadal qaaday cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo sanadkii 1992-kii iyo arrimaha ammaanka dalka, inkastoo aan loo faafaahin.