Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka socday Garowe

18

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan, in qaar ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ay wadaan, qaban qaabada mooshin ka dhan ah , Guddoomiyaha Baalamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Sida KNN ay noo  xaqiijiyeen xubno ka tiran Baarlamaanka Puntland xogo ay na siiyeen maanta, ayaa waxa ay sheegayaan xogahaasi in ku dhawaad 30 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, ay daba ka riixayaan mooshinkan ka dhan ah Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyaha 1aad ee Baarlamaanka Puntland.

Inta badan mudaneyaashan mooshinkan daba ka riixaya ayaa waxa ay yihiin kuwo ka soo jeeda ama laga soo doortay deegaannada gobollada Sool, Sanaag iyo Bari.

Sababta ka dambeysa mooshinkan, ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu ku xad gudbay qaar ka tirsan Xeer-hoosaadka Golaha iyo sidoo kale Dastuurka Puntland qodobbo ka mid ah.

Kala qaybinta xubnaha Baarlamaanka iyo Afduub uu u gaystay gebi ahaanba Xukuumadda Puntland, ayaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabihii ay ku eedeeyeen Xildhibaannada mooshinka ka wada Guddoomiyaha Baarlamaanka .

Marka laga soo tago arrimaha mooshinkan soo if baxay,waxaa jiray khilaaf kale oo hareeyay mudooyinkii u dambeeyay guddoonka Baarlamaanka maamulka,iyo tan Xukuumadda ee Puntland.

Waxaa jiray in shalay Ciidamo ka amar qaata madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka, iyagoo  u diiday in ay galaan gudaha xarunta Xildhibaannada.