Banaan bax ka dhacay magaalada Qardho

21

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta ay banaan bax ka dhaceen gudaha magaaladaasi.

Wadooyinka iyo xaafadaha ayaa waxaa isugu soo baxay dad shacab ah, kuwaas oo ka cadheysanaa sicir barar maalmihii la soo dhaafay ku yimid Sarifka Lacagta iyo maciishadda magaalada Qardho.

Waxaa heerkii ugu sarreeyay gaaray sarifka Lacagta ee magaalada Qardho, taas oo saameyn ku yeeshay inta badan dadka danta yar ee ku nool magaalad Qardho, kuwaas oo maanta ay ka cabaneyeen.

Banaan baxan ayaa waxa uu sidoo kale saameeyay ganacsiga magaalada, oo waxaa inta badan xidhnaa goobaha ganacsiga iyo suuqyada waaweyn ee magaalada.

Ganacsatada qaar ayaa waxaa lagu warramayaa, maalmihii u dambeeyay in ay diideen in ay qaateen Lacagta Shilinka Soomaaliga ah, maadaama uu Sicir bararku cirka isku sii shareeray.