DFS oo Kenya ku eedaysay qalqal gelinta Qarannimada Soomaaliya

3

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta si kulul uga hadashay, xiriirkeeda sii xumaanayay mudooyinkii u dambeeyay ee dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa ugu horreyn waxa ay tilmaamtay kuna eedaysay Kenya, in ay masuul ka tahay qalqal gelinta amniga Qaranka Soomaaliya iyo jiritaankeeda.

Sidoo kalena dalka Kenya ayaa waxa ay ku eedaysay dawladda Soomaaliya, in ay fadhi u tahay dadka diidan dawladnimada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dawladda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sidoo kale arimhaasi ku daray, in faragelin ay ku hayso Kenya arrimaha Soomaaliya , ayna maamulka Jubbaland ku cadaadiso fulinta arrimaha ka soo horjeeda Soomaaliya, Soomaaliayana looga soo duulo.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli  maalmo ka hor ay dawladda Soomaaliya u yeertay Safiirkeeda Kenya u fadhiya, halka kii Soomaaliyana ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto.

Arrintan ayaa waxa ay sii adkeynaysaa xiriirka Labada dal oo muddooyinkuu u dambeeyay ahaa mid gabalkiisu sii dhacayo.