Ururrada bulshada rayidka oo war ka soo saaray hadallada xanafta leh ee mucaaradka iyo DF

29

Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku cabireen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka ururada bulshada rayidka ayaa ugu horreyn waxaa walaac looga muujiyey hadallada xanafta leh ee warbaahinta ay isku marinayaan hoggaanka mucaaradka iyo madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac inay ka fogaadaan wax-kasta oo keeni kara isku dhac ama qalalaase siyaadeed.

War-saxafaadeedka ayaa sidoo kale looga dalbaday labada dhinac inay ka wada-shaqeeyaan doorasho ku dhacda waqtigii loo asteeyey.

Sidoo kale ururrada bulshada rayidka ayaa soo jeediyey in ololaha doorashada ee socda loo wajaho, si ay ku dheehan tahay mas’uuliyada, iyada oo la dhowrayo nabad-gelyada.