Beesha Caalamka: Wada xaajood dambe kama furna heshiiskii doorashada Soomaaliya

9

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u saareen AU, EU, IGAD, iyo UN kadib kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland ayay kaga hadleen xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, doorashooyinka iyo in xal laga gaaro rabashooyinka jira.

Bayaanka ay soo saareen waxa ay kaga hadleen Socdaalada ay ku kala bixinayaan Maamul Goboleedyada dalka, 2dii bil lasoo dhaafay waxa ay tageen Galmudug iyo Koofur Galbeed, shalayna waxa ay tageen Magaalda Garowe waxana ay tilmaameen inay tagi doonaan Jubaland Iyo Hirshabelle.

Socdaalkoodi ay ku marayaan deganaada Maamul goboleedyada ayay ku micneeyeen mid lagu xoojinayo xiriirka Dowladda Dhexe iyo Hogaamiyasha Maamul goboleedyada.

Bayaanka waxa ay ku bogaadiyeen shirarkii Doorashada Somalia looga hadlaayay ee soo bilowday July ilaa October oo ay tilmaameen in Guul ay u tahay dhinacyada Somaalida.

War murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in madaxda Somalida ay sii wadaan wada hadalada si loo xoojiyo heshiisyadii la gaaray,waxay balanqaadeen AU, EU, IGAD, iyo UN in ay kala shaqeeyn doonaan Xukuumada sidii Doorasho u dhici lahayd.

Sidoo kale qodobada kusoo baxay Warmurtiyeedkaan waxaa ku jira in aan dib wada hadal looga furan heshiiska laga gaaray Doorashada Somalia balse waajib ay tahay in lagu fuliyo talaabo lagu aqbali karo oo isla ogol ah oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa sidoo kale walaac ay ka muujiyeen is qab qabsiga ka taagan dhinaca Guddiga soo xulista Xildhibanada Somaliland iyo arinta Gobolka Gedo,waxaan dhinacyada Somalida ugu baaqeen in la tixgaliyo qoondada Dumar ee labada aqal ee 30%.

Waqtiga ugu ayaa lagu shegay Bayaan in Puntland ay ka rajeenayaan inay soo magacowdo guddigeedi 8 xubnood ee doorashada,sidoo kale Barlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Somalia u diyaar garoobaan doorashada Xubnaha labada aqal.

Bayaanka ayaa loogu baaqay Puntland iyo Dowladd goboleedyada kale ee dalka inay Dowladda Dhexe kala shaqeeyaan Barnaamijka doorashada ee 2021 si lasoo doorto Dowladd cusub.