Barnaamijka SAMAWADE,Mowduuca 2aad ee Radio Markabley Baardheere

46

Kulanto wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka sama wade ee radio markabley

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

Kooxda shabaab waxaa dhawaan laga fashiliyay qalab ay ka samaynjireen qaraxyada kaas oo ay kusoo dhex qariyeen alaab ganacsi oo kasoo degtay dekadda magaalada Muqdisho, hadaba maxeey diinta islaamku ka qabtaa in dad sheeganaya in ay matalayaan shareecada islaamka ay hadana Samaynayaan Khiyaano nuucaas ah?

Barnaamiujka sama wade caawo waxaa marti ku ah

Gudoomiyaha maxkamada degmada baardheere sheikh ibraahin daahir shacbaan.

Gudoomiyaha ahlu suna ee konfurta somaliya sheikh c/raxmaan maxamed amiin

Barnaamijka waxaad si toos ah ugala socotaan radio markabley FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535, sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so

Barnaamijka waxaa caawa idin la socodsiinayo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe dhanka farsamada waa khaddar maxmaed siraad. Barnaamijka caawa waxaa soo saaray MAXAMED DEEQ CABDI CALI ALFA

waa mar kale iyo barnaamijkii sama wade ee radio markabley