Ninkii loo heystay weerarkii Jaamacadda Garissa oo xabsi isku dhex dilay

17

Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga.

Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha jaamacadda ku toogtay ciidamada ammaanka, balse Rashid Charles Mberesero, iyo labo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan tihiin kooxda al-Shabab.

Mberesero ayaa lagu xukumay xabsi daa`in.

Wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard ayaa shaaciyay in ninkani uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu-nafsiga ah.

Wargeyska kale ee The Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa isagana sheegay in Mberesero uu isku daldalay gudaha xabsiga isaga oo adeegsanaya bustihiisa.

Al-Shabab ayaa sheegta inay dagaal kula jiraan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda galeen Soomaaliya bishii October 2011, si ay meesha uga saaraan kooxda oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

3-dii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ,iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayay.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ah, kaddib markii ay gudaha dhismaha u soo galeen.

Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof -oo intooda badan ahaa ardey