Cabdiraxmaan Maxamed” Axmed Madoobe waxaa uu u adeegaa dalal Shisheeye”

12

Wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada kala guurka ee xiligan uu marayo dalka, arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Mr Cabdi raxmaan ayaa sheegay in sababta ay dowladda Federaalka ay  wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo ku amartay Safiirkii Kenya ee joogay Muqdisho Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto, taasi ay qeyb ka tahay cadaadiska ay Kenya ku hayso Amxed Madoobe

“Dalka waxaad ogtahay in ay gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan, in dadka la qanciyo waxaa la xoog badnaatay in la qanciyo dowlado shisheeye iyo dani dad shisheeye”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in cadaalad daro ay aheyd in Axmed madoobe loo dhiibo in doorashada ka dhacaysa gobolka Gedo, islamarkaana waxaa uu sheegay in hada ay doonayaan in ay doorasho ku qabtaan gobolka Gedo, isagoona sheegay in Axmed Madoobe uu u adeego dalal shisheeye.

Ugu dambeyn Mr Cabdiraxmaan  ayaa ku taliyay in lo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ka shaqeeyaan horumarka dlaka.