Jubbaland oo sheegtay inaysan gudbin doonin guddiyada doorashooyinka

7

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan wali fulin heshiisyadii ahaa in gobolka Gedo loo madax-bannaaneeyo dowlad gobolleedka Jubbaland ka hor doorashada, isaga oo sheegay in dowladda dhexe dabacsan tahay in ay iskeed u maamulato doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada gobolka Gedo.

”Annaga waxeynu rabnaa in marka hore gobolka gacanteena lagu soo celiyo, dowladdu iyada ayaa ka baxday heshiisyadii horey aynu gaarnay, mas’uuliyada arintanna iyada ayaa qaadeysa ayuu yiri” Maxamuud Siyad Aadan.

”Waa in dhamaan qaladaadka ka jira dhinaca doorashada  la saxaa sida guddiyada hadda dhisan oo qeylo badan ka soo yeertay sida guddiyada gobollada Waqooyi oo ay aheyd in loo madax-bannaaneeyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ee federaalku muddo dheerba ma fiicneyn xiriirkooda tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii Axmed Madoobe oo aydowladda ku tilmaantay mid sharci darro ah.