Midowga Musharaxiinta oo mar kale kulan ku yeeshay Muqdisho

21

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta markale kulan ku yeeshay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa la sheegay in ay uga hadleen waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda dalka, halka qaarkoodna ay ka warbixiyeen kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen, madaxda qaar ee dalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkaan oo soo gaba-gaboobay ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay shirar kale oo ay madaxda markale yeelan doonaan.

Dalka waxaa ka jiro xaalad adag oo dhanka amaanka ah iyo siyaasadaba ,waxaana maalmo ka hor Qarax ay ku dhinteen dhalinyaro badan oo aqoonyahaano ah, walina kama hadlin Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyin ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.