Deni oo ka hadlay Mowqifka Puntland ee Doorashada Soomaaliya

54

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay Mowqifka Puntland ee Doorashada Soomaaliya, kaddib kulan uu Maanta Magaalada Garoowe kula yeeshay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shaqooyin farabadna oo la xiriira doorashooyinka la soo qabtay kuow kalen auu harsan yahay, isla markaana Guddiyada doorashooyinka la Magacaabay ay jiraan tabashooyin farabadan oo laga qabo, balse wada-hadallo ay socdaan.

“Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, ayuu  yiri” Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna  uu rajeynaya in laga wada gudbi doono.