Banaan baxyo lagu taageerayo DF Itoobiya oo gilgilay magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalkaasi

9

Magaalada Adis Ababa ee caasimada u ah dalka Itoobiya, ayaa maanta waxaa ka dhacay bannaan baxyo waaweyn , kaas oo lagu taageerayo qabsashada magaalada Mukhalla ee gobolka Tigrey.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay xaafadaha iyo jidadka waaweyn ee magaalada Adis  Ababa, si ay dareenkooda farxadeed iyo taageeradooda ay ugu muujiyaan dawladda Feferaalka ah ee Itoobiya, oo la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Mukhalla.

Sidoo kale banaan baxyo kuwaan la mid ah ayaa ka dhacay dhulalka dawoad deegaanka , Oromada, Amxaarada, iyo qowmiyadaha kale .

Dawladda Itoobiya ayaa horay u shaacisay in ay sameyn doonto hawlgal ay ku sheegtay in ay ku soo qab qaban doonto hoggaamiyeyaasha TPLF ee gobolka Tigrey, kaas oo markii dambe ay kula  wareegtay magaaladan Mukhalla.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya, uu soo idlaaday dagaalkii gobolka Tigrey ka socday ee qaatay ku dhawaad mudada bilka ah, sida uu raysal wasaaraha dalkaasi Mr Abiy Ahmed uu ku sheegay qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale, dagaalkan ka socday Itoobiya, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dalka Eriteria, waxaana jiray weeraro lagu qaaday magaalada Asmara ee dalkaasi, iyo meelo kale oo ka mid.

Lix qarax  ah ayaa ugu dambeeyay, kuwaas oo lagu weeraray magaalada Asmara ee Eriteria, waxaana jiray khasaaro ay dhaliyeen weeraradan qaraxyada ah, inkasta oo aan laga hayn faahaahino dheeraad ah.

Ma jirto cid weli si rasmi ah u sheegatay, masuuliyadda qaraxyadan, ayaa haddana waxaa jirtay in horay ay hoggaamiyeyaal ka soo jeeda gobolka Tigrey, ugu hanjabeen in weeraro ay ka gaysan doonaan dalka jaarka la ah Itoobiya ee Eriteria.

Dagaalka ka dhacay dalka Itoobiya ayaa waxa uu saameeyay qoysas badan ,kuwaas oo kumanaan ku barakeceen, qaar kalena ay soo gaareen khasaaro dhimash iyo dhaawacyo isugu jiray.

Hay’adda Qaramada Midoobey qaybteeda bixisa arrimaha gar gaarka bani’aadantinimo ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda dalka Itoobiya, gaar ahaan dagaalka ka dhacay Waqooyiga dalkaas, inkasta oo hadda ay u muuqan doonto  mid geli doonta xaalad soo kabosho ah, maamaadama uu raysal wasaare Abiy ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii.