DEG DEG: Dowladda Soomaaliya oo cayrisay Safiirka Kenya

14

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya mudane Tarsan, halka safiirka Kenya ee Soomaaliya lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Tallaabadan waxay dawladda Soomaaliya ku micnaysay faragalinta ay Kenya ku hayso deegaanada Jubbaland.

Waa markii labaad oo dowladda Soomaaliya ay cayriso Safiirka Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland oo kasoo laabtay Kenya ayaa shalay sheegay in doorasho aysan ka dhici doonin dalka.