Maxaa ka jira in Xildhibaan Mustaf Dhuxulow lagu xiray Hargeysa?

23

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Somaliland ay xirtay musharax madaxweynaha Soomaaliya, Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Somaliland, ayaa werisay in Xildhibaan Mustaf Dhuxulow laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, isla markaana la xiray.

Dhuxulow ayaa lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay saldhig ku yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, lamana oga ila hadda ujeedka safarkaasa uu ku tegay Hargeysa.

Intooda badan wararku waxay sheegayaan in xildhibaanku Hargeysa uu Transit ku ahaa, isla markaana la qabtay markii uu ka degay diyaaradda oo daqiiqado fadhisay garoonka.