Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/Afrika iyo Cabsi soo wajahday Soomaalida dalkaas

9

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in maanta lagu dilay magaalada Cape Town ee dalkaasi Muwaadin Soomaaliyeed.

Dilkan ayaa dhacay kadib markii Kooxo burcad ah ay weerareen ilaa Saddex Dukaamo ah, oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah.

Weerarka ay qaadeen kooxdan bucadda hubeysani, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay hal ruux oo kale oo Soomaali ah.

Inta badan ganansatadan aan u dhalan dalkaasi, haba u badnaadaan Soomaalida’e, waxa ay la kulmaan falal ka baxsan bani’aadantinimada, iyagoo loo gaysto boob toos ah iyo dilal ay kala kulmaan, burcadda dalkaasi.

Sidoo kale ciidamada Booliiska dalkaasi ayaa waxa ay sheegaan in ay qaadaan hawlgallo ay ku beegsanayaan burcadda dalkaasi dhibaatada ku haysa, inkasta oo aan la arkin cid ay u soo xiraan ama sharciga ay hor geeyaan.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo soo wahajday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, mana jirto cid wax ka qabatay cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen.