Turkiga oo si adag uga hadlay go’aan ay soo saareen Midowga Yurub

18

Dawladda Turkiga ayaa ka hor timid go’aan ay soo saareen Baarlamaanka Midowga Yurub, kaas oo ku aadan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus.

Midowga ayaa soo saaray go’aan ay Turkiga ugu sheegayaan in ay farahaa kala baxaan arrimaha badda Meditarenianka iyo Jaziiradda Qubrus taas oo uu ka biyo diiday Turkigu.

Hami Aksoy oo ah Afhayeen u hadlay dawladda Turkiga ayaa waxa uu sheegay in Turkiga aan marnaba loo yeerin doonin danihiisa guud iyo tiisa gaar ahba , Baarlamaanka Midowga Yurubna aysan wax shuqul ah ku lahayn.

Bilihii la soo dhaafay waxaa kasocday Badda Meditarenianka hawlo shidaal baaris ah, taas oo uu waday Turkigu, sidoo kale qalalaase ayaa ka taagnaa oo arrintan ka dhalatay.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Baarlamaanka Midowga Yurub ay u muuqdaan inay ka qarsan yihiin xaqiiqooyin badan, ayna tahay in ay raadiyaan.