Qaramada Midoobey oo ka walaacsan ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Doorashooyinka dalka

11

Wakiilka Dowladda Ruushka ee Qaramada Midoobey  ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda inay xaliyaan muranada ka tagan ,soo xulista Guddiga Doorashooyinka iyo sidoo kale in la dajiyo qorshaha amniga ee Doorashooyinka Soomaaliya .

Waxa ay intaa hadalkeeda ku dartay “ma jirto wali wax horumar ah oo laga sameeyay wada hadalada Siyaasadeed ee u dhaxeya Dowladda iyo qaar kamid ah Dowladd Goboleedyada Dalka” .

Waxa ay walaac ka muujisay arrimaha la xiriira gacan kahadalka Jinsiga iyo dhibaatada haweenka Soomaliyeed ay marar qaar la kulmaan.

Iyadoo kahadlaysay arrimaha ammaanka iyo dagaallada lagula jiro  Al Shabab ayaa waxa ay sheegtay in Dowladda ay joogteyso cadaadiska lasaarayo kooxdaasi.

Ciidamada AMISOM ayay sidoo kale ku bogaadisay dadaallada ay ku bixyaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.

Ka bixitaanka Ciidmada Mareykanka ee Soomaaliya ayay sidoo kale timaamtay in aysan waqtigan ku habooneyn, maadama ay sheegta in lagu guda jiro waqti kalaguur ah , ayna tahay taas badalkeeda in la sii dardargeliyo dagaallada lagula jiro kooxaha argagaixsada ah.