Galmudug iyo Puntland oo ka shiray amni darada ka jirta Mudug

8

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay kulan u dhaxeeyay mas’uuliyiinta Maamulada gobolka Mudug ee Puntland & Galmudug, waxaana looga hadlayay xoojinta dhanka degaannada Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdi ladiif Muuse Nuur ayaa sheegay inay kulanka diirada ku saareen la dagaalanka Al-Shabaab, arrimaha sugida Amniga doorashooyinka sidoo loo xadidi lahaa sarifka iyo ka hortegida dagaalada dhex-mara maleeshiyo beeleedyada iyo arrimo kale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Diiriye Isxal ayaa sheegay in labada maamul iyo Ciidamadadooda ay ka mideysan yihiin sugida Amniga degaannada galmudug una diyaarsan yihiin inay ka hortagaan falalka Amni darro.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha Amniga Gobolka ay siwadajir ah u fulin doonaan howlgallo amniga lagu sugaayo, isla markaana wada-shaqeyntaas ay tahay mid horumar amni u horseedeysay Shacabka labada Maamul.

Magaalada Gaalkacyo & degaannada kale ee gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geystaan Al-Shabaab iyo dagaalo dhex-mara maleeshiyo beeleedyo.