Kulamo xal loogu raadinayo colaad ka taagan gobolka Hiiraan oo ka socda magaalada Beledweyne

16

Waxaa magaalada Beladweyne ka socda kulamo iyo dadaalo xal loogu raadinayo xiisad colaadeed ee ka taagan duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo u dhaxeysa ciidamo maleeshiyaad ah oo diidan doorashadii maamulka HirShabeelle iyo ciidamada Milateriga Somalia ee gobalka Hiiraan.

Kulamadaan ayaa waxaa wada odayaal, waxgaradka magaalada Beledweyne iyo saraakiisha AMISOM ee ku sugan halkaasi, waxaana la sheegayaa in aan wali lagu guuleysan.

Todobaadkaan ayaa lagu wadaa in Magaalada Beladweyne gaaraan guddoomiyaha baarlamanaka HirShabeelle C/xakiin Luqmaan iyo Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa jirtay in marar kaa duwan ay baaqdeen safarkan uu madaxweyne Guudlaawe ku tagi lahaa maalmo ka hor magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse Toddobaadkan la sheeciyay in madaxweynuhu iyo wufuud kale tegi doonaan magaaladaasi