Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada Danab oo maanta ka dhacay Shabeellada Hoose

25

Banaan bax looga soo horjeedo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa maanta waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Banaanbaxan ayaa waxa uu ka dhacay deegaaka Leego iyo tuulooyin ku teetsan,waxaana dhigayay dad shacab ah oo aad u cadhaysan, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ciidamada dawladda Soomaaliya ee Danab.

Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii nin ganacsade caan ka ahaa deegaanka Leego ay dileen ciidamada Danab, sidoo kalena ay dhibaatooyin fara badan u gaysteen haween iyo dadkale ee shacab ah.

Qaar ka tirsan dadkii dhigayay banaanbaxa oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay sii kordheen dhibaatooyinka ay sida bareerka ah ugu gaysanayaan Ciidamada Danab dadka deegaanka, iyagoo sheegay aysan u sii dulqaadan karin arrintaasi.

Waxa ay sheegeen in xerada Bali doogle ay uga soo kicitamaan si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyagoo dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay wax ka qabato cabashadooda.