Dagaalka ka socda Itoobiya oo sii xoogeystay.

24

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa sheegay dagaalka Tigraay inuu galay wajigiisi seddexaad ee uu dambeeyey, ciidamadiisuna ay wadaan dagaal ballaadhan oo ay ku qabsanayaan caasimadda deegaanka Tigraay ee Maqale.

Wuxunna Abiy sheegay ciidamadiisu inuu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo.

Hadalkan Abiy ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu dhammaaday seddexdi maalmood ee ay dowladda u qabatay xoogagga TPLF iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa iney dagaalka afarta toddobaad ka socday deegaanka Tigraay boqollaal qof ay ku dhinteen kumannan kalana ay ka qaxeen guriyahooda, xilli ay ciidamada Itoobiya gabsadeen magaalooyin badan oo ku yaalla deegaanka Tigray oo TPLF maamulayeen.