Khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Soomaalida iyo Cafarta

78

Ugu yaraan seddex qof ayaa lagu dilay, halka laba kalana lagu dhaawacay dagaal tuulada Garbo-Ciise ku dhex maray Soomaalida iyo Cafarta.

Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa KNN waxay sheegeen dagaalka shalay billowday inuu ilaa iyo xalay socday.

Tuulada Garbo-Ciise oo hos timaadda degmada Afdam ee gobolka Siti ee deegaanka Soomaalida labadi sano ee ugu dambeeyey dagaal ay dad badan ku dhinteen ayaa ku dhex marayey Soomaalida iyo Cafarta.

Ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen hogaanka nabadgalyada deegaanka soomaalida iyo xafiiska warfaafinta.