Shirka ka socda Muqdisho oo maanta ay ka qeyb galeen madaxda Warbaahinta muqdisho

24

Waxaa maalmihii u danbeeyey kulan ugu socday Magaalada Muqdisho qaar ka mid mushariixiinta mucaaradka ah ee doorashada madaxtinnimada ee Soomaaliya.

Kulankaas oo ay sheegeen in ay kaga arrinsanayaan doorkooda ku aaddan doorashada dalka gelayo iyo walaacyo ay sheegeen in ay ka qabaan guddiyada doorashada ee la magacaabay.

Shirkan oo galay maalinkiisii shanaad ayaa waxay sheegeen in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee madaxda warbaahinta, iyadoona laga wareysanayay aragtidooda ku aadan doorashada Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii musharixiinta ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha Caalamka iyo guddoomiyaasha labada aqal ee soomaaliya, lana wadaageen shakigooda ku aaddan habka doorasho ee dalku gelayo.

Haddaba shirkaas oo la filayo in uu maanta soo gebagabooba wixii ka soo kordha waxaad kala socon doontaan halkan