Dib u dhac markale ku yimid safar uu Cali Guudlaawe ku tagi lahaa Beledweyne

24

Safar uu maanta markale Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ku tagi lahaa magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku yimid dib dhac kadib markii garoonka magalaadas ay u soo dhawaadeen maleeshiyaad hubeysan sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga madaxweynaha ayaa shalay ilaa xalay laga dareemayay gudaha magaalada Beledweyne, inkastoo markale uu dib u dhac ku yimid.

Dhinaca kale waxaa duleedkeeda magaalada Beledweyne ka socda abaabulka maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda wafdiga madaxweynaha maalmihii dambe wadahadalo kula jiray xubo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan inkastoo uu fashil ku yimad.

Maleeshiyaadkan hubeysan oo ku sugnaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in xalay ay u soo dhawadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaladaasi.

Maleeshiyaadkaan ayaa diidan in wafdiga Cali Guudlaawe tagaan magaalada Beledweyne.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa hoggaaminayo sarkaal hore, kana mid ahaa musharixiintii madaxweynaha Hirshabelle, kaasi oo lagu magacaabo General Xuud.