Faahfaahino ka soo baxaya qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

42

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegaya in miino la dhigay wadada dhinaceeda jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye uu ku qarxay gaari ay leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana uu burbur soo gaaray gaarigii ay ciidanku wateen.

Ciidankan ayaa maalin kasta roondo ka sameeya waddada iyagoo ilaalo ka haya shaqaallaha shirkad Turki ah oo dhisaysa laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan waxase aalaaba qaraxyada waddooyinka hareerahooda la dhigo ee lagu weeraro ciidamada dawladda sheegta Al-Shabaab.