Al-shabaab oo dad isku qoys ah ku dilay Waajid

20

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa weeraray guri ay jiifeen carruur iyo dumar oo ku yaalo degmada Waajid, waxaana ku dhintay 7 qof oo isku qoys ah.

Dadka dhintay ayaa ka kooban Hooyo, Carruurteed iyo Aabaha guriga oo ahaa Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay banaanka guri inta istaageen in ay rasaas ku fureen, waxaana jiray iska caabin uu sameeyay aabaha guriga inkastoo markii dambe dhamaan qoyskii la dilay.