Midowga musharaxiinta oo doortay shir guddoon, xoghaye iyo afhayeen

16

Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii afaraad uu shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa doortay shir-guddoon, iyadoo uu shirku sii balaartay, dhinacyo hor lehna ay ku soo biirayaan.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay inuu shir guddoon ahaado inta uu socdo shirkaas, Sidoo kale waxay maanta musharaxiintu doorteen xubno kale.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ayey u doorteen xogheyn, halka Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed ay u doorteen Afhayeen.

Shirkan oo balanku ahaa in la soo gabagabeeyo Isniintii shalay ayaa sii balaartay, waxaana maanta ku biiray qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo haweenka. Sidoo kale xubno ka socda beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay maanta ku biiraan shirka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shirkaas laga soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysanyihiin dhinacyada mucaaradka ah ee diidan sida ay dowladda dhexe u maamuleyso doorashada dalka.

War-murtiyeedka shirka oo galabta soo bixi doono ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, isla markaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi