DFS oo sheegtay in Al-Shabaab ay gaadiid badan ku gubeen Bakool

16

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay si kulul uga hadashay gaadiid ay dagaalameyaasha Al-Shabaab ku gubeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Gaadiidkan ay gubeen Al-Shabaab ayaa u rarnaa dad shacabka waxaa uuna ka soo ambabaxay Magaalada Beledweyne, isagoona ku sii jeeday Degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo war qoraal ah uu soo saaray ayaa ku sheegay in 7 gaadiid oo nooca xamuulka qaada ah ay Al-Shabaab ku gubeen Tuulada Emed Kooreey  ee Gobolka Bakool.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay.