Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya dagaalka ka socda Itoobiya iyo wararkii u dambeeyey

21

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka shiraya colaadda ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Kulankan Golaha Ammaanka ayaa imaanaya xilli dowladda Itoobiya ay sheegtay inay isku diyaarineyso sidii taangiyada dagaalka loogu weerari lahaa caasimadda is-mamulka Tigray ee Mekelle.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa maanta amar ku bixiyay in lasoo xiro 167 qof oo lala xiriirinayo dagaalka ka taagan gobolka Tigray.

Bayaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in TPLF ay wadaan dambi halis ah sida ku xusan sharciga la dagaallanka dambiyada dalka. Isagoo weerarkii lagu qaaday ciidamada xoogga dalka ku tilmaamay tallaabo dambi ah oo la doonayay in ‘lagu wiiqo awoodda difaaca ee dowladda.’

Xeer ilaaliyaha federaalka Gedion Timothewo wuxuu ku tilmaamay gantaalladii lagu garaacay gobolka Amxaarada inay ahaayeen falal argagixiso.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed xoogagga TPLF waxuu ugu baaqay in seddex maalmood oo Arbacada ku eg ay si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.

Abiy ayaa sheegay in ciidamada milaterygu ay hareereeyeen magaalada Mekelle oo xarun u ah xooggaga TPLF ee Tigray-ga, isagoo ku goodiyey in wajiga seddaxaad ee dagaalka oo dhawaan bilaaba doona uu yahay kii ugu dambeeyey ee TPLF lagu soo afjari lahaa hadii aysan is-dhiibin.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”.

Afahayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda Mekelle inay isaga baxaan magaalada si ay ugu fududaato inay la dagallamaan ciidamada TPLF.

Dhanka kale, madaxweynaha is-maamulka Tigray Dr. Debretsion Gebremichael ayaa warbixin uu jeediyey ku sheegay, in shacabkiisu ay doorbidayaan inay dhintaan, intii ay isa-soo dhiibi la haayeen.