Siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi oo ku biiray shirka musharaxiinta

31

Shirka Musharaxiinta dooneysa qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalinta seddaxaad galay, waxaana shirkaas looga arrinsanayaa jaha wareerka ka taagan doorashada.

Shirka ayaa maanta waxaa ku biiray siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaana sidoo kale ka mid ah siyaasiinta maanta shirka ku biirtay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirkii hore ee arrinaha dibedda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa la kulmaya qeybo kamid ah haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad u diidan guddiyada metelaya gobollada waqooyi oo ay soo magacaawday xukuumadda federaalka, waxaana xurguf siyaasadeed oo kala dhaxeysa maxada dowladda fedraalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhawaan isna soo magacaabay guddiya doorashada ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Shirkaan musharaxiinta uga socdo magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lasoo xirayo saacadaha soo socda, waxaana laga soo saari doonaa go’aan ay ku mideysanyihiin musharaxiinta iyo siyaasiyiinta maanta ku biirtay shirkooda, kaas oo lagu cabirayo mowqifka ay ka taaganyihiin guddiyada magacaaban.