Genaraal hore iyo maleeshiyaad hubeysan oo diidan in Cali Guudlaawe uu tago Beledweyne

25

Janaraal Abuukar Xuud oo kamid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka Madaxweynaha HirShabeelle ee doorashadii sanadkaan ayaa diiday inuu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ka dago Beledweyne maanta oo Isniin ah.

Saraakiil ka tirsan booliska HirShabeelle ayaa KNN u xaqiijiyay in Janaraalkaan oo wata maleeshiyaad hubeysan uu fariisin ka sameestay deegaanka Ceelgaal oo 13 KM u jira Beledweyne, waxaa uuna sheegay inuu dagaal ku soo qaadi doono bartamaha magaalada haddii uu soo gaaro Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe,  sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Sarkaalkaan oo heesto maleeshiyaad aan yareyn iyo hub ayaa ka tirsanaa Musharaxiin badan oo ka haray doorashada HirShabeelle markii ay sheegeen inuu hareeyay musuq maasuq badan iyo boob lagu sameeyay kuraasta baarlamaanka.

Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ciidanka Jabuuti ayaa ku guul dareestay in ay xaliyaan tabashada Gen Xuud, waxaana dib loo dhigay safarkii Cali Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ilaa arbacada todobaadkaan.