Puntland oo guddi wasiirro ah u magacaawday dhibaatada ka dhalatay duufaanta Gati

39

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta Gati oo ku dhufatay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Puntland.

Guddigan ayaa u badan xubno wasiirro ah, kaas oo ka kooban 11-xubnood, waxay kala yihiin.

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland (Guddoomiye).

2- Axmed Maxamed Yuusuf Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland

4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

5- Cabdullahi Cali Xirsi Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

6-Dr. Jaamac Faarax Xasan Wasiirka Caafimaadka.

7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta.

8- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada.

9- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

10- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

11- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay’ada HADMA oo ah xoghayaha guddigaas.

Ilaa sagaal qof oo ay kujiraan kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen roob dabeylo watay oo ka da’ay gobolka Bari.

Sidoo kale illaa afar qof oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xaafuun ayey dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana burburay guryo ku yaalla deegano badan oo dhaca xeebaha gobolka Bari.

Baqdin badan ayaa jirta weli, waxaana isgaarsiinta laga jaray magaalooyin ay ka mid tahay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.